Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo 'Aan Ceyrin Doonin Hay'adaha Turkishka'


Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay saari doonin hay'ado Turkish ah oo dawladda Soomaaliya ay sheegtay inay dalka uga baxaan muddo toddoba maalmood ah.

Hay’adahan ayaa lala xidhiidhinayo inuu leeyahay wadaad Turkish ah oo mucaarad ku ah xukuumadda Turkiga, laguna magacaabo Fatxullah Gulen.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay sharci ku joogaan hay'adahaasi Somaliland wuxuuna sheegay inay eryi karaan oo keliya haddii ay sharciga Somaliland jebiyaan.

Weiyaheena Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa waraysi la yeeshay Wasiirka.

Wareysi: Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00

XS
SM
MD
LG