Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama iyo Erdogan oo ka Wada Hadley Isku Deygii Afgembi


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu yaboohay gargaar ku aaddan baaritaannada lagu sameynayo isku deygii afgembi ee dhicisoobey, kaas ootoddobaadkii la soo dhaafay laga sameeyay magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga.

Aqalka Cad, ayaa sheegay in Obama uu Erdogan khadka telefoonka kula xiriirey Talaadadii, afar maalin uun ka dib markii uu dhicisoobey afgabmigaasi xilka looga tuuri lahaa Erdogan.

Obama, ayaa caddeeyay in Mareykanku uu bixin doono gargaarka ku habboon ee ku aaddan baaritaannada.

Labada hoggaamiye, ayaa sidoo kale ka wada hadley codsiga Turkiga ee ku aaddan in loo so gacan geliyo wadaadka Turkigu uu ku eedeynaayo in uu ka dambeeyay isku dayga afgembiga dhicisoobey ee Fethullah Gulen.

Afhayeen u hadlay aqalka cad, ayaan faahfaahin rasmi ah ka bixinin waxa uu ka yeelaayo Mareykanka codsiga Turkiga u soo gudbiyay.


XS
SM
MD
LG