Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uhura Kenyatta oo Doorashadii Kenya ku Guuleystay


Guddiga doorashada Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta dib loo doortay, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii Kenya.

Kenyatta ayaa helay 54% codadkii doorashada, halka ninka ay ishayeen ee Raila Odinga uu helay 44%.

Kenyatta ayaa khubaddii uu ku aqbalay guusha, wuxuu mucaaradka ku booriyay inay midnimada ilaaliyaan, isagoo sheegay in mucaaradka iyo taageerayaashooduba aysan ahayn cadow, balse ay dhamaantood yihiin dadka ka wada tirsan jamhuuriyad mid ah.

Hasseyeeshee mucaaradka, gaar ahaan Isbahaysiga NASA ee uu madaxda u yahay Odinga ayaa hadal ay soo saareen inta aan natiijada lagu dhawaaqay waxay sheegeen inay diidan yihiin hannaanka ay doorashadu u dhacday.

Doorashadu siday u dhacdo waxaa ammaanay xubnaha caalamiga ah ee kormeerayay doorashada.

Meello ka tirsan Kenya waxaa markii lagu dhawaaqay natiijada ka dhacay rabshado, iyagoo dhinaca kalena taageerayaasha Kenyatta ay sameeyeen dabbaaldegyo ay ku muujinayaan guusha madaxweyne Kenyatta.

XS
SM
MD
LG