Isku xirrada

Maanta waxaa ka dhacaysa dalka Kenya doorasho isugu jirta illaa lix qaybood, inkasta oo qaybta ugu xasaasisani ay tahay doorashada Madaxtinimada Kenya, taas oo si weyn isha loogu hayo.

Doorashadan ayaa leh xasaasiyad aad u sarraysa, waxaana dad badani ay cabsi ka qabaan, haddii ah dhacdo ku shubasho inay horseedi karto falal waxyeeli kara xasiloonida, inkasta oo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku baaqay in codbixiyayaashu ay si nabad ah u codeeyaan.

Haddaba maxaa laga ogyahay doorashada Kenya, sideese looga hortegi karaa inay dhacdo ku shubasho?

Arrimahaas waxaa innoo faallaynaya Cabdifataax Ibraahin Sheekh oo wakhti dheer ka soo tirsanaa Guddida Doorashada ee Somaliland, isla markaana aqoon dheer u leh doorashooyinka.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayuu u waramay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG