Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u muuqda inuu wali kaga horreeyo hogaamiyaha mucaaradka codadka ilaa iyo hadda la tiriyey ee doorashadi Talaadadi ka dhacday dalkaasi.
Ninka sida aadka ah kula tartamayo doorashadan, Raila Odinga ayaa Arbacadii qaadacay natiijooyinka hordhaca ah ee ay soo saareen guddiga doorashada.
War ay goor danbe oo Arbacadii shalay ah soo saareen ayey guddiga doorashada ku sheegeen, in ilaa iyo iminka la tiriyey 96 boqolkiiba codadka la dhiibtay. Waxay sheegeen in madaxweyne Kenyatta uu kaga horeeyo Odinga 55 boqolkiba, halka Odingana uu marayo 44 boqolkiiba.
Saraakiisha doorashooyinka ayaa heysta muddo todobaad ah in ay ku xaqiijiyaan kuna dhawaaqaan natiijada kama danbeysta ah ee doorashada xilka madaxweynaha dalka Kenya.
Marka laga soo tago doorashada madaxweynaha ee aanan wali natiijadeeda lagu dhawaaqin, waxaa lagu kala baxay qaar ka mid ah doorashooyinka gudoomiyaasha gobolada iyo tan xildhibaanimada.
Magaalada Garisa oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Soomaalida ay degto ee Waqooyi Bari, Adan Barre Ducaale ayaa ku guuleystay kirsiga xildhibaanka magaalada Garisa, kadib marki uu kula tartamay Farax Macalim oo horay usoo noqday gudiimiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya.
Guud ahaan wadanka Kenya ayaa ahaa mid xasiloon marka laga reebo rabshado ka dhacay magaalada Kisumu ee ku taalla dhinaca galbeed iyo sidoo kale degmada Mathare.
Shacabka ayaase sabar la,aan sugaya natiijada rasmiga ah ee xilka madaxweynaha dalka Kenya.