Isku xirrada

Rabshado ka Dillaacay Magaalada Gaarisa


Rabshado ka dhashay natiijooyinkii lagu dhawaaqay ee doorashooyinkii dhacay, ayaa ka dillaacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Rabshadaha ayaa ku billowday dibad-baxyo markii dambe keenay in uu gubto suuqa weyn ee magaalada Gaarisa, oo ahaa halbowlaha ganacsi ee magaalada ay leedahay.

Waxaa la sheegayaa in ugu yaraan sideed qof ay ku dhaawacmeen rabshadaha.

Guddoomiyaha Gaarisa ayaa la sheegay inuu ku guuleystay Cali Bunow, oo ka adkaaday guddoomiyihii hore Nadiif Jaamac.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda rabashadaha ee magaaladasi ayaa Sahra Cabdi Axmed waxay ka wareystey wariye madax-banaan oo lagu magacaabo Axmed Laqaaye oo joogo Gaarisa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG