Waxaa goor dhow soo xirmay goobaha cod-bixinta doorashada ee dalka Kenya, iyadoo meelaha qaarna ay ka bilaabatay tirinta codadka.
In ka badabn 19 milyan oo qof ayaa u diiwaan gashanaa inay codeeyaan, oo ay kala doortaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo 55 jir ah oo u ordaya in mar kale dib loo soo doorto, iyo Raila Odinga oo hoggaamiya mucaaradka ahna 72 sano jir.
Hadaba warbixintan waxaa goor dhow Nairobi nooga soo dirtay Wariyeheenna Maryan Maxamud Barre.