Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu Dambeeyey Doorashada Kenya


Dalka Kenya waxaa maalintii saddexaad ka socota tirinta codadkii doorashadii dalkaas ka dhacday talaadadii.

Guddiga doorashada ayaa beeniyey in hannaakii tirinta codadka la jabsaday, sida uu ku andacooday shalay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Codadka illaa iyo hadda la tiriyay waxaa ku horreeya madaxweynaha talada haya Uhurra Kenyatta. Laakiin Isbahaysiga mucaaradka NASA ee uu hoggaamiyo Raile Odinga ayaa dhinacooda codsanaya oo dalbanaya in musharraxooda Raila Odinga lagu dhawaaqo inuu yahay qofkii ku guuleystay doorashada.

Goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa iyaguna maanta ammaanay hannaanka doorashada, iyagoo sheegay in aanay arkin in hannaankii doorashada la jabsaday.

Caasho Cuud ayaa goor dhaweyd wararkii u danbeeyey ka wareystay weriyaheena Yaasiin Ciise Wardheere.

Wareysi: Yaasiin Ciise Wardheere
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:25 0:00

XS
SM
MD
LG