Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qoys ku Geeriyooday Weerar Hoobiye


Dad ku dhaawacmay weerar hoobiye (Sawir hore)
Dad ku dhaawacmay weerar hoobiye (Sawir hore)

Hooyo iyo labadeeda caruur iyo aabahood ayaa ku geeriyooday hoobiyeyaal ku dhacay gurigooda oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya

Ugu yaraan afar qof ayaa geeriyooday maanta kadib markii hoobiyayaal ay soo tureen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ay ku dhaceen xaafadaha u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in illaa afar qarax laga maqlayay hareeraha Villa Somalia.

Hooyo iyo labadeeda caruur ayaa ku geeriyooday weerarka, markii hoobiye uu ku dhacay gurigooda. Aabaha caruurtaas oo ku dhaawcamay hoobiyahaas, ayaa isna ku geeriyooday isbitaalka oo loola cararay.

Illaa shan qof oo kale ayaa ku dhaawacmay hoobiyeyaasha.

Website-yada taageera kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in hoobiyayaasha ay ku dhaceen xarunta madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo saraakiisha dowladda ay ku kulmayeen.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin weerarkan.

XS
SM
MD
LG