Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midwoga Yurub oo Maanta Ka Shiraya Muhaajiriinta


Doon sida qaxooti oo soo gaartay xeebaha Greece
Doon sida qaxooti oo soo gaartay xeebaha Greece

Kulanka maanta ka dhacaya magaalada Brussels ayaa looga hadlayaa hanaan wax looga qaban karo qul-qulka muhaajiriinta ee qaaradda.

Wasiirada Midowga Yuurb ayaa maanta ku kulmaya magaalada Brussels si ay uga wada xaajoodaan hanaan wax looga qaban karo qul-qulka muhaajiriinta ee qaaradda.

Waxaa sidoo wada-hadallada ku biiraya wasiirada arrimaha gudaha iyo cadaaladda ee dalalka Turkiga, Serbia iyo Macedonia, oo ah dalalka ugu horreeya ee muhaajiriinta ay soo gaaraan marka ay kasoo tallaabaan badda.

Dalka Greece oo ah mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha liita Midowga Yurub, ayaa waxa uu la xarbinayey dhowaanahan la tacaaliadda muhaajiriin kasoo cararaya rabshadaha ka socda dalalka Syria, Iraq iyo Afghanistan.

Ra’iisul wasaraaha Greece Alexis Tsipras ayaa arbacadii ka digay in dalkiisa uusan ogolaan diin wax heshiis cusub illaa xubnaha kale ee Midowga Yurub ay ka aqbalayaan inay la wadaagaan culeyska muhaajiriinta.

Inta badan dadka qaxootiga ayaa marka hore yimaada xeebaha Greece, kahor inta aysan u safrin dalalka Bulkan-ka markaasi oo kadib ay usoo gudbaan dalalka bartmaha iyo galbeedka Yurub.

XS
SM
MD
LG