MUQDISHO —
Ciidamada dowladda Soomaalia ayaa maanta tuulooyin iyo deegaano ku yaala gobolaka Shabeelaha dhexe kala wareegay maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Ceel-Baraf iyo Caadleey oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Waxaa sidoo kale jira deegaano kal eoo dhowr ah oo ka tirsan gobolka oo maleeshiyada Al-Shabaab laga saaray, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya.
Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.