Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dowladda oo Deegaano ka Qabsaday Al-Shabaab


Ciidamada Dowladda
Ciidamada Dowladda

Ciidamada dowladda Soomaalia ayaa maanta tuulooyin iyo deegaano ku yaala gobolaka Shabeelaha dhexe kala wareegay maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Ceel-Baraf iyo Caadleey oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaa sidoo kale jira deegaano kal eoo dhowr ah oo ka tirsan gobolka oo maleeshiyada Al-Shabaab laga saaray, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Ciidamada dowladda oo deegaano qabsaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:36 0:00



XS
SM
MD
LG