ISTANBUL —
Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Somalia, ahna Madaxa AMISOM Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay in ka bixidda ciidamda AMISOM ee goobaha qaar ay aheyd arrimo ciidan.
Francisco Caetano Madeira, ayaa wareysi uu siiyey VOA-da waxa uu ku sheegay in AMISOM ay hadda maamusho 80% koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Waxa uu diiday in AMISOM ay ku fashilmeyso inay ka guuleysato kooxda Al-Shabaab.
Haaruuf Macruuf, ayaa wareysi gaar ah la yeeshay Madeira. Waxaa wareysiga soo koobaya Ibraahim Xasan Daandurey iyo Jamaal Axmed Cismaan.