Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Qaraxa Ankara oo 28 Gaartay


Goobta qaraxa uu ka dhacay
Goobta qaraxa uu ka dhacay

Qaraxa ayaa dhacay xilli ay kolonyo baabuur ah oo milatariga ay lee yihiin ay marayeen meel waxyar un ka fog xaruntooda.

Dhimashada Qarax ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa sii korodhay, iyadoo hadda ay mareyso dhimashada 28 ruux, iyo dhaawaca 61 kale, sida ay saraakiil sheegen.

Qaraxa ayaa dhacay xilli ay kolonyo baabuur ah oo milatariga ay lee yihiin ay marayeen meel waxyar un ka fog xaruntooda.

Guddoomiyaha Ankara Mehmet Kilicer ayaa sheegay in qaraxa uu u muuqdo inuu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiray baabuur.

Booliiska ayaa baaraya dhacdadan. Baabuurta gurmadka deg degga ayaa la arkayey ayaga oo ku socda goobta qaraxa uu ka dhacay.

Reysal wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa dalalka Biljamka iyo Azerbijan.

XS
SM
MD
LG