GAALKACYO —
Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Galmdug ayaa sheegay inay soo furteen nin u dhashay dalka Kenya oo muddo sannado ah la-hayste ahaan loogu haystay degaanno ka mid ah Gobolka Galguduud.
Ninkan ayaa lagu soo furtay howlgal ay ciidamada nabad-sugidda Galmudug ay ka sameeyeen deegaanka Xin-Libi ee gobolka Mudug.
Weriyahayaga Cabdiwaaxid Macallim Isxaaq ayaa hawlgalka lagu soo furtay la-haystahaasi ka waraystay wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan “Masagawaa”.