Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Dhiseysa Xabsi u Gaar ah Argagixisada


Rais Uhuru Kenyatta wa Kenya akihutubia mkutano wa biashara kati ya China na Afrika
Rais Uhuru Kenyatta wa Kenya akihutubia mkutano wa biashara kati ya China na Afrika

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in qorshuhu yahay in laga hortago in maxaabiista xag jirka ah ay fikradohooda u gudbiyaan maxaabiista kale.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shalay sheegay in Kenya ay dhiseyso Xabsi gaar ah oo lagu xiri doono maxaabiista ururka Al-Shabaab ee Somalia iyo kuwa kooxaha xag jirka ah ee gacan ka hadalka ka geysta Kenya.

Kenyatta waxa uu sheegay in talaabadan ay kaga hortagayaan in maxaabiista xag jirka ah ay fikradohooda ku dhex faafiyaan maxaabiista kale ee xabsiyada ku jira.

Madaxweynaha Kenya, waxa kale oo uu sheegay in xabsigan uu yahay mid ku habboon dadka lala xiririnayo xagjirnimada, islamarkaana lagu dhaqan celin karo.

Prof. Cabdi Wahaab Sheekh Cabdi Samad, oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika ayaa sheegay in xabsigan uu la mid yahay xabsiyo ay horey u dhiseen dalalka Sacuudiga, Mareykanka iyo Denmark.

Wariyeheena Yaasiin Ciise Wardheere ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Naiorbi.

Kenya oo dhiseysa xabsi u gaar ah xagjiriinta
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:21 0:00

XS
SM
MD
LG