Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Apple oo Diiday inay Furto IPhone-ka Farook


Farook iyo Xaaskiisa Tashfeen Malik
Farook iyo Xaaskiisa Tashfeen Malik

Taleefonka IPhone-ka ee Farook oo fuliyey weerarkii San Bernardino, ayaa waxaa furi la' dowladda Mareykanka.

Madaxa shirkadda Apple, Tim Cook ayaa arbacada (2/17/16) sheegay in dowladda Mareykanka ay qaaday “taalbo aan caadi ahayn”, ayada oo ku amartay shirkadda inay gacan ka geysato sidii loo furi lahaa teleefon IPhone ah oo uu adeegsaday qof ka mid ahaa dadkii fuliyey weerarkii San Bernardino oo bishii December lagu dilay 14 qof.

Xaakim ayaa talaada soo saaray amar ah in shirkadda Apple ay bixiso software looga gudbi karo barnaamij ku jira IPhone-ka, oo tir tiraya wax kasta oo ku dhex jira, haddii 10 goor la isku dayo in lagu furo password qaldan.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa isku dayaya inay ogaadaan in Syed Rizwan Farook iyo xaaskiisa Tashfeen Malik ay xiriir la lahaayeen kooxaha mintidiinta, hase yeeshee ma awoodaan inay furan telefoonkiisa, sababta oo ah Password-ka waxaa la dhintay Farook.

Bayaan lasoo dhigay website-ka Apple, ayuu Tim Cook ku sheegay inuu la loolami doono FBI-da Mareykanka, sababta ah dhisidda software jebiya amniga teleefonada Apple, waa “arrin aad qatar u ah in la abuuro”.

Waxa uu sheegay inuu doonayo in akhbaar kasta oo ku jirta teleefonada IPhone-ka laga ilaaliyo kuwa afduubka internet-ka ka shaqeeya, wuxuuna ku gacan seeray amarka xaakimka oo ah in la sameeyo software ku shaqeyn kara kaliya IPhone-ka Farook.

XS
SM
MD
LG