Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afgooye: 12 Qof Oo Ku Geeriyooday Dagaal


Afgooye
Afgooye

Dagaalka ayaa dhashay kadib markii Al-Shabab ay afar jiho kasoo weerareen Afgooye, kadibna ciidamada Amisom iyo dowladda ay iska caabiyeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Amisom ayaa dib isaga caabiyey weerar culus oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Xaaladda magaalada ayaa iminka aad u degan waxaana gacanta ku haya ciidamada dowladda

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in Al-Shabaab ay afar jiho gantaallo kaga soo weerareen Afgooye, abaare 1:30 AM ee talaadada maanta ah (2/16/2016), waxaana kadib xigay dagaal qaraar.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa VOA u sheegay in Shabaabka ay doonayeen inay la wareegaan magaalada

Dagaalka ayaa waxaa ku naf waayey 12 qof, oo ay ku jiraan afar qof oo guryahooda lagala soo baxay.

Weerarka Al-Shabaab ayaa lala beegsanayay saldhigga ciidamada dowladda Soomaaliya ee deegaanka Mukayga. Waxaa sidoo kale la beegsaday bar kontorool oo ciidamad ay ku lee yihiin meel u dhow Afgooye.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada dowladda laba baabuur oo kuwa dagaalka ah looga qabsaday dagaalka, inkasta oo guddoomiyaha gobolka uu arrintaas diiday.

Radio-ga Al-Shabaab ayaa sheegay in 10 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay weerarka.

XS
SM
MD
LG