Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Assad Oo Weeraray Sacuudiga Iyo Turkey


Bashar Assad Syria
Bashar Assad Syria

Madaxweynaha Syria waxa uu sheegay in Sacuudiga iyo Turkiga ay yihiin amar qaatayaal fulinaya amaro loo soo dhiibay.

Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ayaa sheegay in xabad joojinta lasoo jeediyey ay adkaan doonto in laga dhaqan geliyo dalkiisa, wuxuuna Turkiga iyo Sacuudiga ku eedeeyey inay hagayaan quwado shisheeye.

Isaga oo isniintii ka hadlayey magaalada caasimada ah ee Dimishiq, ayaa Assad waxa uu sheegay in Turkiga iyo Sacuudiga ay muddo doonayeen inay ciidamo usoo diraan dalkiisa, hase yeeshee ay yihiin kaliya amar qaatayaal fulinayo amaro.

Waxa uu sheegay in dagaalka shanta sano ka socda Syria uu ahaa dagaal caalami ah wixii ka dambeeyey bilihii ugu horreeyey ee rabshadaha.

Turkiga iyo Sacuudiga ayaa labadaba ka qeyb qaadanaya duqeymaha Mareykanka uu hogaaminayo ee ka dhanka ah bartilmaameedyada kooxda Daacish, waxayna tusmeeyeen sida ay ugu diyaarka yihiin inay ciidamo u diraan dalkaas.

Islamarkaana, Turkey ayaa xuduudda ka fulisay duqeymo ka dhan ah dagaalyahanada Kurdish-ka ee woqooyiga Syria, waxayna ka digtay jawaab adag, haddii Kurdish-ka aysan dib ugu laaban aagagga ay kaga sugan yihiin xuduudda.

XS
SM
MD
LG