Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garaagaar Maanta la Geynayo Qeybo ka Mid ah Syria


Syria ayaa waxaa muddo shan sano ah ka socda dagaal sokeeye.
Syria ayaa waxaa muddo shan sano ah ka socda dagaal sokeeye.

Gaarsiinta gargaarka ee dadka u baahan ayaa waxa uu qeyb ka yahay heshiis dhex maray dowladda Syria iyo QM.

Kolonyo baabuur ah oo sida cunno iyo dawooyin ayaa lagu wadaa inay maanta u baxaan aagagga la haysto ee Syria, halkaasi oo kumanaan qof ay ku go’doomiyeen ciidamada dowladda iyo dagalayahanada mucaaradka.

Gaarsiinta gargaarka ayaa waxa uu qeyb ka yahay heshiis dhex maray dowladda Syria iyo QM.

Gargaarka ayaa waxaa la gaar siin doonaa toddoba magaalo oo ay ku jiraan Madaya iyo Zabadani oo u dhow caasimadda iyo Foua iyo Kefraya oo ku yaalla gobolka woqooyiga ee Idlib.

Ergeyga QM ee Syria Staffan de Mistura ayaa kadib kulan ka dhacay magaalada Dimishiq sheegay in gaarsiinta gargaarkan uu tijaabo u yahay haddii dowladda Syria ay ka go’an tahay inay u ogolaato dadka baahan inay helaan gargaarka QM.

Wasaaradda arrimaha dibedda Syria ayaa hadlkaas ka jawaab celisay, waxayna sheegtay inaysan cidna uga baahneyn inay xusuusiso waajibaadka ka saaran dadkeeda.

XS
SM
MD
LG