Maxkamad ku taala magaalada Birmingham ee dalka Britain ayaa xukun 47 sano oo xabsi ah marka la isku geeyo ku riday dhallinyaro u badan Soomaali oo ku noolaa magaaladaasi.
Dhallinyaradan ayaa waxaa lagu helay ka ganacsiga mukhaadaraadka sharci daradda ka ah Britain ee loo yaqaano Cocaine, Heroin iyo Amphetamines.
Dhallinyarada ayaa waxaa madax u ahaa Maxamed Axmed oo ah 24 jir, waxaana lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah.
Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa khadka taleefanka ee Birmingham kula xiriiray Xasan Mahdi oo ah wariye madax banaan oo la socday xukunka ay maxkmaddu riday.