Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin: Dagaal Iyo Qarax Ka Dhacay Gedo


Gedo, Somalia
Gedo, Somalia

Taliyaha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Gedo Jeneraal Cabbaasi Ibraahim Gurey, ayaa VOA-da uga warramay.

Maleeshiyada ururka Alshabaab ayaa shalay gaari laga soo buuxiyey walxa qaraxa la beegsaday goob ku taalla duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Goobta la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa oo weerarka lala beegsaday ciidamo isugu jirka kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwo AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya.

Sidoo kale dagaal ayaa ciidanka iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhex maray isla duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Haddaba Cabdiraxmaan Xuseen Furre ayaa halka uu qaraxo ka dhacay iyo cidda dagaalkii shalay qaaday ka wareystay taliyaha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Gedo Jeneraal Cabbaasi Ibraahim Gurey.

Wareysi: Jeneraal Cabaas
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:04 0:00


XS
SM
MD
LG