Isku xirrada

War Deg-Deg ah

69 Suxufi Oo Sanadkan Lagu Dilay Caalamka


Warbixin uu soo saaray ururka difaaca suxufiyiinta ee CPJ ayaa sidaas sheegtay, waxaana ay intaas ku dartay in Somalia sanadkan lagu dilay 3 suxufi.

Ururka u dhaqdhaqaaqa difaaca Saxafiyiinta Caalamka ee CPJ ayaa soo saaray warbixin sanadeedkiisii, wuxuuna sheegay in sannadkan sii dhammaanaya ee 2015 dunida lagu dilay illaa 69 saxafi, halka xabsiga la dhigay illaa 199 weriye.

Ururka CPJ ayaa sheegay in dalka ugu badan ee saxafiyiinta lagu dilay sannadkan uu ahaa Syria, halkaas oo la diiwaangeliyey in la dilay illaa 13 weriye.

Waxaa Syria kusoo xiga dalalka Faransiiska, Brazil, Yemen, Koonfurta Sudan iyo Ciraaq, oo ka mid ah dalalka suxufiyiinta ugu badan lagu dilay.

Dalka Soomaaliya ayaa ururku sheegay in sannadkan uu galay kaalinta sagaalaad marka laga hadlayo wadamada lagu laayey saxafiyiinta, waxaana ururku sheegay in sannadkan Soomaaliya lagu dilay 3 weriye.

Hindiya Xaaji Maxamed oo u shaqeyneysay Radio Muqdisho ayaa ahayd weriyihii ugu dambeeyey ee sanadkan lagu dilay Somalia, waxaana la dilay 3-dii December.

Waxaa sidoo kale la dilay Mustaf Cabdi Nuur, oo ahaa weriye madaxbanaan, oo Muqdisho lagu dilay kowdii November ee sanadkan.

Daa’uud Cali Cumar, oo isna ka tirsanaa Radio Baydhaba, ayaa magaalada Baydhaba lagu dilay 29-kii April.

XS
SM
MD
LG