Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Laba Askari oo Dambi lagu Waayay


Xeerbeegti ku sugan gobolka Ohio ayaa go’aan ku gaadhay inaan wax dambi ah loo raacan laba askari oo ka tirsan booliska oo wiil 12 jir ah oo Madow ah ku dilay magaalada Cleveland ee gobolkaasi sanadkii 2014kii.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabo Tamir Raice ayaa dhowr jeer la soo baxay baastoolad nooca caagga ah ee aan runta ahayn isaga oo ku taagay Askarta booliska ah.

Xeer ilaaliyaha Gobolka Ohio ayaa ku dhawaaqay go’aanka xeerbeegtida galinkii dambe ee Isniinta.

Go’aankan ayaa soo afjaraya dacwadan oo muddo sanad ah socotay, iyada oo mudaahaaradyo badan ay sababtay kuwaasi oo ka dhashay cadho laga qaaday muuqaalada Kamaradaha wax duubaa ay qaadeen xiligii uu dilku dhacay.

Qareen u hadlay qoyska wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa sheegay inay aad uga naxeen ugana xumaadeen go’aankan.

XS
SM
MD
LG