Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gedo: 7 Askari Oo Lagu Dhaawacay Qarax


Gedo, Somalia
Gedo, Somalia

Qarax ayaa ahaa miino lala beegsaday baabuurkii ay saarnaayeen ciidamada, oo marayey meel duleedka ka ah magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ugu yaraan toddoba ka tirsan ciidamada dawladda ayaa ku dhaawacmay kadib markii miino la qarxday baabuurkii ay saarnaayeen, oo marayey meel duleedka ka ah magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxan ayaa lala beegsaday baabuurka ay ciidanka wateen xilli uu kusii jeeday goob saldhig ah. Laba ka mid ah toddbada askari ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa la sheegay inay xaaladdoodu aad u liidato.

Qaraxaasi kadib ayaa la sheegay in ciidamada dowladda oo ay wehliyaan ciidamada ay weerar ku qaadeen goob lagu tuhmay in laga soo abaabulay qaraxaasi oo 20 km u jirta magaalada Baardheere oo lagu magacaabo Cali Xareed.

Dagaalka halkasi ku dhex maray ciidamada dawladda iyo maleeshyada Al-Shabab ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaara nafeed iyo dhaawac soo kala gaadhay labada dhinac.

XS
SM
MD
LG