Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Baasaboor Ayaa Loo Qaadanayaa Koonfurta Soomaaliya


Magaalada Hargeysa
Magaalada Hargeysa

Go'aan kasoo baxaya golaha wasiirada Somaliland, ayaa amraya in qofka reer Somaliland ee Koonfurta Somalia u safraya uu sito Baasaboorka Somaliland.

Shir muddooyinkan u socday golaha Wasiirrada Somaliland ayaa waxa ay kasoo saareen go’aanno ka kooban toddoba qodob oo qaarkood saameynaya isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale.

Go'aamadan ayaa qaarkood amraya in qof kasta oo reer Somaliland ah oo Koonfurta Soomaaliya u safraya uu sito Baasaboorka Somaliland, waxaana ay hoos u dhigeen qiimaha lacagta laga qaadi jiray qofka sita Baasaboorka Soomaaliya ee tegaya Somaliland.

Somaliland waxa ay sidoo kale amaro kusoo rogtay xawaaladaha lacagta, shirkadaha diyaaradaha, kuwa Isgaarsiinta iyo sidoo kale meheradaha ganacsiga.

Amarkan ayaa waxa uu farayaa shirkadaha inaysan u adeegi karin qof aan sidan aqoonsiga Somaliland.

Go'aanadan ayaa dhaqan galaya kowda bisha January ee sanadda 2016.

Weriyaha VOA Barkhad Kaariye ayaa go’aamadan ka wareystay Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani).

Wareysi: Wasiirka duulista hawada Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:48 0:00

XS
SM
MD
LG