Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Belgium: 2 Qof Oo Loo Xiray Tuhun Argagixiso


Ciidamada gaarka ah ee Belgium (Sawir hore)
Ciidamada gaarka ah ee Belgium (Sawir hore)

Baarayaasha ayaa sheegay in ay heleen caddeymo muujinaya halista dhowr weerar oo lala beegsanayo goobaha dadku ay fariistaan.

Dacwad oogayaasha dalka Belgium ayaa maanta sheegay in booliiska ay xireen laba qof oo lagu tuhmayo inay qorsheynayeen weerar ka dhaca magaalada Brussels xilliga fasaxa.

Waxa ay sheegeen in baarayaashu ay heleen caddeymo muujinaya halista dhowr weerar oo lala beegsanayo goobaha dadku ay fariistaan, kuwaas oo la qorsheeyey maalinka ka horreeya sanadka cusub.

Dadkan ayaa la xiray axaddii iyo isniintii, kadib baaritaano laga sameeyey magaalooyinka Brussels iyo Liege. Mas’uuliyiinta waxa ay sheegeen inaan la helin wax hub ama waxyaabo qarxo ah.

Waxaa markii hore la xiray lix qof, hase yeeshee afar ka mid ah ayaa lasii daayey. Mid ka mid ah dadka la xiray ayaa lagu eedeeyey inuu ahaa hoggaamiye koox argagixisio, uuna qorayey dad kale oo argagixiso ah.

Dacwad oogayaasha waxa ay sheegeen in kiiskan uusan wax xiriir ah la lahayn weeraradii Paris ka dhacay 13-kii November, oo lagu dilay 130 qof.

XS
SM
MD
LG