Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cumar Faaruuq Oo 'Lagu Weeraray Xamar'


Muqdisho
Muqdisho

Cumar Faaruuq ayaa VOA-da u sheegay in mid ka mid ah ilaalidiisa uu dhaawac soo gaaray weerarkan.

Xoghayihii hore ee ururka Suxifiyiinta qaranka ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa la sheegayaa in lagu weeray meel aan ka fogayn guri uu deganaa oo ku yaalla degmada Hodon, gaar ahaan Carwadii Qaranka maanta.

Cumar Faaruuq oo weerarka kadib la hadlay VOA-da ayaa sheegay in koox wadatay gaari yar ay soo weerareen, isaga oo magaalada ka yimid oo galaya xafiiskiisa.

Waxa uu sheegay in kooxda weerarka kusoo qaaday ay ahaayeen saddex dabley ah.

Cumar Faaruuq ayaa sheegay in mid ka mid ah ilaaladiisa uu dhaawac soo gaaray halka ruux kalana oo oday ahaana uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayuu Cumar Faaruuq u warramay.

Cumar Faaruuq oo lagu weeraray Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00


XS
SM
MD
LG