Barnaamijka Galka Baarista waxa uu maanta ku saabsan yahay doorashadii madaxweynaha ee dhacday 15-kii May 2022 ee uu ku guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud.
Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa adeeg gurmad degdeg ah oo caafimaaad ka hirgelisay magaalooyinka Muqdishu iyo Gaalakayo. Haddaba adeeggan iyo sida uu u shaqeeyo ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Cabdulqaadir Ibraahim oo ah Agaasimaha Warfaafinta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.
Ugu yaraan 30 akari oo u dhashay Burundi ayaa lagu dilay, 20 kalena way ku dhaawacmeen weerarkii Al-Shabab ku qaadday saldhigga Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe, sidaasi waxaa VOA u sheegay sarkaal u dhashay dalka Burundi.
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay leeyiiin ciidmada Midowga Afrika oo ku yaalla tuulada Ceel Baraf oo ilaa 65km dhnaca Waqooyi ka xigta magaalada Jawhar.
Imaam Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa ka hadlay cafis uu u fidiyey laba nin oo lagu helay in ay weerareen masaajidka uu imaamka ka yahay bishii August ee 2017-kii.
Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay magaalada Muqdishu ka soo baxeen kooxo dib-jiriin ah oo abaabulan oo dhac iyo dil ka gaystay magaalada. Booliiska ayaa kooxahan ugu yeeray “Ciyaal Weero”. Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Af-hayeenka Booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay inay dawladda Maraykanka ka go’an tahay inay taageeraan dib usoo noolaynta Soomaaliya deggan, nabad ah, islamarkaana dimoqraadi ah.
Laba askari ayaa dhimatay halka midkalana uu dhaawacmay kadib markii maleeshiyo hubaysan ay rasaas ku fureen ciidanka oo saarnaa baabuur dhexmarayey magaalada Dhuusamareeb maanta.
Idaacadda VOA ayaa heshay xogta qaar ka mid ah magacyada maxaabiistii Shabaabka ee lagu dilay weerarkii Xabsiga Dhexe iyo midka baxsaday.
Wafdi ka socda dawladda federaalka Soomaaliya, maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa manta booqday goobta ay ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka Bardaale.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Dowladda Soomaalya ayaa shaaca ka qaaday in 54 qof laga helay cudurka 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kuwaasi oo dhammaantood ku sugan gobolka Banaadir.
Askari ka tirsan ciidamada AMISOM una dhashay dalka Uganda oo ku sugan Soomaaliya aaa la sheegay in laga helay xanuunka COVID-19.
Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo ah cudurka Coronavirus oo laga helay waddanka 24-kii saac ee lasoo dhaafay.
Ugu yaraan lix qof ayaa dhimatay, ila 10 kalena waa la la'yahay, kadib roobab laxaad leh oo sababay fatahaad oo ku dhuftay degaanka magaalada Qardho.
Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerar maanta ka dhacay deegaanka Hareeri Caadle oo u dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horreeyey uu Soomaaliya u dhintay cudurka Coronavirus. Warkan waxaa xaqiijisay wasiirka caafimaafka Foosiya Abiikar Nuur.
Wararka ka imaanaya Gobalka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in qarax xoog leh lala beegsaday Ciidanka Amisom gaar ahaan qeybta Burundi meel u dhow degaanka Gololey xili ay ku jireen socod ilaalo ah.
Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan Abriil ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay Yuusuf Jiis oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab.
Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan April ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab.
Kuwo kale