Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xog: Weerarkii Ceel-Baraf oo 30 askari looga dilay Burundi


ATMIS
ATMIS

Ugu yaraan 30 akari oo u dhashay Burundi ayaa lagu dilay, 20 kalena way ku dhaawacmeen weerarkii Al-Shabab ku qaadday saldhigga Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe, sidaasi waxaa VOA u sheegay sarkaal u dhashay dalka Burundi.

Sarkaal Burundi u dhashay, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo saxaafadda, ayaa sheegay in toban askari ay isla goobta ku dhinteen, halka inta kale ay dhaawacii soo gaaray u dhinteen. Waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan askar la la’yahay.

Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu waxay sheegteen inay dileen 173 u dhashay Burundi, sheegashadaa soo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin. Laba ilo wareed ayaa VOA u sheegay inay saldhigga ciidanka Burundi markii weerarki dhacayey ay ku sugnaayeen 161 askari. Sarkaalka Burundiga ah ayaa xaqiijiyey tiradaasi.

Waxa uu sarkaalkaasi sheegay inay askartu heleen warar dhinaca sirdoonka ah oo sheegaya inay Al-Shabaab isku urursanayeen degaanka 28 saac ka hor weerarka, ayna isku diyaariyeen inay is difaaceen, kadibna ay qoteen dhufaysyo. Waxa uu sheegay ilaa 450 maleeshiyaad Al-Shabaab ah inay weerarka soo qaadeen.

Waxa uu sheegay in askarta badankeeda ay waxyeelladu kasoo gaartay baabuurtii qaraxyada siday ee lagu qarxiyey xerada. Waxa uu sheegay inay Al-Shabaab isticmaaleen saddex baabuur oo qarax ah oo mid uu god ku dhacay.

Dawladda Burundi ayaa maanta sheegtay dhinaceeda inay toban askari uga dhinteen weerarka, shan askari la la’yahay, halka 25 kalena ay dhaawacmeen. Waxay Buundi sheegtay in 20 Al-Shabaab ah lagu dilay weerarka.

XS
SM
MD
LG