Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhuusomareeb: Askar ka tirsaneyd Gorgor oo weerar lagu dilay


Gorgor
Gorgor

Laba askari ayaa dhimatay halka midkalana uu dhaawacmay kadib markii maleeshiyo hubaysan ay rasaas ku fureen ciidanka oo saarnaa baabuur dhexmarayey magaalada Dhuusamareeb maanta.

Askarta dhimatay ayaa ilo wareedyo u sheegeen VOA inay ka tirsanaayeen ciidamada milatariga Soomaaliya, gaar ahaan qaybta Gorgor

Warar VOA ay heshay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka weerarka gaystay ay baxsadeen iyaga oo horey usii kaxaystay baabuurkii ay saarnaayeen ciidanka.

Wararku waxay intaas ku darayaan in maleeshiyaadkaasi ay babauurka ula kaceen dhnaca degaanka Bohol oo fariisin u ah maleeshiiyaadka ururka Ahlu-Suna Wal Jamaaca.

Saraakiisha ciidamada Oo VOA ay la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarkan askarta lagu dilay.

Dhinaca mas’uuliyiinta degaanka Bohol ayaa iyaguna ka gaabsaday inay ka hadlaan dhacdada ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud.

XS
SM
MD
LG