Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Imaam cafis u fidiyay rag bam ku qarxiyay masjid uu imaam ka yahay


This undated photo provided by The Ford County Sheriff's Office in Paxton, Ill., shows Michael Hari. Hari, is the purported ringleader in the 2017 bombing of a Minnesota mosque.
This undated photo provided by The Ford County Sheriff's Office in Paxton, Ill., shows Michael Hari. Hari, is the purported ringleader in the 2017 bombing of a Minnesota mosque.

Imaam Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa ka hadlay cafis uu u fidiyey laba nin oo lagu helay in ay weerareen masaajidka uu imaamka ka yahay bishii August ee 2017-kii.

Sheekh Maxamed Carab oo waraysi siiyey VOA ayaa sheegay in labadaas nin ay oo la kala yiraahdo Michael McWhorter iyo Joe Morris uu u cafiyay si looga yareeyo xabsiga ay mutaysan lahaayeen ka dib markii ay qirteen dambiga lagu soo eedeeyey oo ahaa in ay bam ku qarxiyeen masaajidka.

Labadaas nin waxaa lagu kala xukumay 16 sano iyo 14 sano markii la xukumay, waxaana xukunkoodu uu dhacay 12-kii bishan. Nin saddexaad oo isagu lagu helay in uu abaabulay weerarka ayaa lagu xukumay 53 sano.

Haaruun Macruuf ayaa kula xiriiray khadka telefoonka, waxaana uu weydiiyey marka hore sida uu weerarku u dhacay?

Halkan ka dhageyso wareysiga Sheikh Maxamuud Carab
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:50 0:00

XS
SM
MD
LG