Barnaamijka Martida Makarafoonka waxaa todobaadkan marti ku ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofur Afrika Sayid Xasan Shariif. Safiirka ayaa ka jawaabaya su’aalo ku saabsan Soomaalida lagu laayo K/Africa iyo waxay safaaraddu ka qabatay.
Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxa ay ku eegeynaa muranka u dhaxeeya wadamada Masar iyo Ethiopia ee la xiriira biyaha Wabiga Niil. Murankaasi ayaa dad badan waxa ay muujinayaan inuu saameyn ku yeelan karo Soomaaliya.
Xaawo Maxamed Xasan iyo Aamina Cali Faarax oo loo heystay inay xiriir la lahaayeen kooxda Al-Shabaab, ayaa maxkamad ku taalla gobalka Minnesota ay ku kala xukuntay 10 sano iyo 20 sano oo xarig ah.
Barnaamijka Martida waxa marti ku ah Madaxweynaha Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar
VOA ayaa wareysi gaar ah la yeelatay RW. Saacid, waxuuna kaga hadlay Jubooyinka, shirka Turkiga iyo xiriirka dowladda iyo dalalka deriska ah.
Guddiga xuquuqda aadanaha ee baarlamaanka ayaa ka horyimid xukunka xabsiga ah ee maxkamaddu ku ridday gabadha sheegtay in la kufsaday iyo weriyaha wareystay, waxayna dalbeen in si deg-deg ah loo sii daayo.
C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka arr. gudaha ayaa mar kale sheegay in maamul-u-sameynta Kismaayo ay leeyihiin dadka deegaanka, balse dowladda doorkeedu yahay fududeynta qaabka loo dhisayo maamulkaas.
Magaalada Gaarisa ayaa la hakiyey bixinta kaararka aqoonsiga ee la siiyo dadka haysta dhalashada Kenya, iyadoo 30 shaqaalaha dowladda hoose ka mid ah shaqadii laga eryey iyadoo lala xiriirinayo rabshadihii Gaarisa.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa barnaamijka Martida Makarafoonka uga waramay arrimaha difaaca, tayda iyo baahida ciidanka Soomaaliya.
Barn. Martida waxa marti ku ah Suldaan Maxamed Axmed C/lle iyo Xaliimo Ismacil Ibrahim. Waxaana uu ku saabsan yahay soo xulista Ergada
Barnaamijka Faaqidaadda ee toddobaadkan wuxuu ka hadlayaa xaaladda Soomaalida ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada.
Mweynaha Galmudug ayaa sheegay in xagjiriin ay ku jirto Al-shabab ay ka qeybgalayaan shirka sidaasi darteedna ay diideen ka qeybgalkiisa
Barnaamijka Faaqidaadda ee toddobaadkan waxaa ka qeybgalaya R/wasaaraha C/weli Gaas oo ka hadlaya halka uu marayo qorshaha road-map-ka.
Wasiirka Dastuurku wuxuu barnaamijka uga hadlayaa arrimaha dastuurka cusub iyo waliba qorshaha xilliga kala guurka.
Barnaamijka Martida wuxuu ku saabsan yahay cudurka Autism-ka, waxaana marti ku ah Idil C/laahi oo ah hooyo dhashay ilmo qaba cudurkaasi
Barnaamijka waxaan toddobaadkan ku eegaynaa heshiis hor dhac ah oo dhexmaray DKMG iyo Shirkadda Holliday Finch.
Barnaamijka waxaa caawa marti ku ah Cabdiwaaxid Sheekh
Barnaamijka waxaa caawa Marti ku ah Jibrill Ibrahim Cabdulle oo madax u ah xarunta CRD ee magaalada Muqdisho.
Barnaamijka waxaa marti ku ah, Xildhibaan Max'ed Ibraahim Xaabsade iyo wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka C/raxmaan Xoosh.
Barnaamijka waxaa marti ku ah Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo barre ka ah jaamacadda Qatar kana hadlaya midowga Al-shabaab iyo Alqaacida.
Kuwo kale