Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Haween Argagixisanimo loo Xukumay


Xaawo Maxamed Xasan, bidix, iyo Aamina Faarax Cali, oo xabsiyo kala duwan lagu xukumay
Xaawo Maxamed Xasan, bidix, iyo Aamina Faarax Cali, oo xabsiyo kala duwan lagu xukumay
Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay xukunno ku rideysay dad Soomaali ah oo loo heysto inay xiriir la lahaayeen ururka Al-Shabaab.

Shalay maxkamddu waxey xukun mar kale ku ridday laba gabdhood oo Soomaali ah - Aamina Faarah Cali, oo 36 jir ah, ayaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah. Aamina waxaa lagu soo oogay 13 dacwadood oo lala xiriiriyay argagixiso iyo inay lacag u diri jirtay Al-shabab.

Waxaa kaloo 10 sanadood lagu xukumay Xaawo Maxamed Xasan, oo 66 jir ah, oo iyana lagu soo oogay hal dacwo oo argagixisanimo ah iyo laba dacwo oo ah inay been u sheegtay hay’adda FBIda ee arrimahan baareysay.

Sheekh Xasan Cali Maxamuud, oo ka mid imaamyada Gobolka Minnesota, barena ka ah Kuliyadda Sharciga ee Williams Micheal, oo goob joog ka ahaa xukunnadan ayaa falanqeynaya xukunada ay maxkamaddu ku riday Soomaalida lagu helay gacansiinta Alshabaab. Wareysiga Sh. Xasan Jaamici halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:05 0:00
XS
SM
MD
LG