Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo ka mid ahaa culimada ugu caansan Islaamka, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 96 jir ah, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay bartiisa rasmiga ah ee twitter-ka.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay duqeyn cusub oo ka dhacday caasimadda gobolka Tigray maanta, waxaa sidaas sheegay isbitaalka ugu weyn magaalada.
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday in ka badan $151 milyan oo taageero cusub oo la siinayo Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha dalka ka jira.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray abaabul militari oo cusub, isaga oo maanta wacad ku maray inuu adeegsan doono “wax kasta oo uu heli karo” si uu u ilaaliyo dhulka Ruushka.
Madaxweyne ku-xigeenka Turkey Fuat Oktay ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi oo ku saabsanaa dagaalka dhexmaray dalalka Armenia iyo Azerbaijan.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay difaaci doonaan Taiwan haddii ay dhacdo in China ay ku duusho.
Armenia ayaa maanta sheegtay in ugu yaraan 136 ka mid ah askarteed lagu dilay dagaal ay xuduudda kula galeen ciidamada Azerbaijan toddobaadkan, taasi oo tirada khasaaraha dhimashada ka dhigeysa in ka badan 200 oo askari.
Mamaul goboleedka Puntland ayaa ka digay wax uu ugu yeeray dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalka Soomaaliya “ee aan dastuurka waafaqsaneyn ee ay waddo” dowladda federaalka.
Azerbaijan ayaa maanta sheegtay in 71 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen iska horimaad ay xuduudda kula galeen ciidamada Armenia labadii maalmood ee ugu dambeeyey, taasi oo ka badan tiradii ay horey u shaacisay oo aheyd 50.
Waxaa maanta sare u kacay cabsida laga qabo xaaladda boqoradda UK Queen Elizabeth II kadib markii qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace uu sheegay in dhaqaatiirta “ay walaac ka muujiyeen” caafimaadkeeda, islamarkaana soo jeediyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo.
Saddex mintidiin ah ayaa xalay lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay magaalada Basra ee dalka Ciraq, ayada oo ay isku dhaceen laba koox oo Shiico ah oo iska soo horjeeda.
Wasiirka Maaliyadda Turkey ayaa maanta u sheegay ganacsiyada dalkaas inaysan ka walaacin hanjabaad cunaqabatayn oo Washington ay ka digtay inay kusoo rogi doonto haddii ay la macaamilaan Ruushiyaanka cuanqabataynta la saaray.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in Turkey aysan ku talo jiirn inay qabsato dhul ka mid ah Syria inkasta oo ay sare u qaaday weerarada ka dhanka ah ciidamada Kurdish-ka ee ku sugan waqooyiga dalkaas.
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa diiday oo “waxba kama jiraan” ku tilmaamay natiijada doorashadii madaxweyne ee dhacday 9-kii August ee shalay la shaaciyey in looga adkaaday.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefonka wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Samoei Ruto, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Salman Rushdie, Qoraaga British-ka ah ee qaar ka mid ah qoraalladiisa ay horseedeen inuu bartilmaaed dil u noqdo Iran islamarkaana dhuumasho ku noolaado, ayaa lagu weeraray masrax ku yaalla galbeedka New York oo uu hadal ka jeedinayey.
Gen. Michael E. Langley ayaa maanta la wareegay xilka taliyaha taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, xaflad ka dhacday magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.
Shacabka Kenya ayaa maanta safaf dheer ugu jira doorasho aad la isugu hayo, ayada oo laba siyaasi oo miisaan culus ay ku loolamayaan tartan madaxtinimo oo aad la isugu dhow yahay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Uganda.
Dowladda Itoobiya ayaa si xooggan u cambaareysay wakiilada Midowga Yurub iyo Mareykanka oo toddobaadkan booqday gobolka dagaallada ay la degeen ee Tigray, waxayna ku eedeysay inay la safteen mowqifka mucaaradka ee ku aadan wadahadallada nabadda iyo gargaarka.
Kuwo kale