Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey oo jawaab ka bixisay hadalladii Nancy Pelosi


Fuat Oktay
Fuat Oktay

Madaxweyne ku-xigeenka Turkey Fuat Oktay ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi oo ku saabsanaa dagaalka dhexmaray dalalka Armenia iyo Azerbaijan.

Pelosi oo booqasho ku tagtay dalka Armenia ayaa cambaaraysay Azerbiajan oo ay ku eedeysay inay “Armenia ku qaaday weeraro sharci-darro ah oo dhimasho keenay.”

Fuat Oktay ayaa hadalladaas ku qeexay “kuwo dhinac u janjeera oo carqaladeynaya dadaallada diblomaasiyadda,” wuxuuna sheegay inay yihiin kuwa aan la aqbali karin.

Pelosi ayaa dhammaadkii toddobaadkii tegay booqatay Armenia, taasi oo lagu qeexay taageero aan horey loo arag oo Mareykanka uu u muujiyey Armenia oo dagaal sanado badan soo jiray uu kala dhaxeeyo Azerbaijan.

Oktay oo qoraal soo dhigay twitter ayaa sidoo kale Washington ugu baaqay inay kala caddeyso haddii hadallada Pelosi ay ka tarjumayaan mowqifka rasmiga ah ee Mareykanka.

Dagaal cusub ayaa Talaadadii iyo Arbacadii tegtay dhexmaray labada dal, waxayna Armenia sheegtay in ugu yaraan 136 ka mid ah askarteed lagu dilay, halka Azerbiajn ay werisay dhimashada 71 askari, taasi oo tirada khasaaraha dhimashada ka dhigeysa in ka badan 200 oo askari.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa sagaashamaadkii iyo 2020 waxaa dhex maray laba dagaal ayaga oo isku haya gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan balse ay degan yihiin dad badankood Armenian ah.

Dagaalkii lixda toddobaad socday 2020 ayaa waxaa ku dhintay 6,500 oo askari oo labada dhinac ah, wuxuuna dhammaaday kadib xabad-joojin ay Ruushku dhex-dhexaadiyeen.

Heshiiskaas ayey Armenia uga tanaasushay dhul baaxad leh oo ay tobanaan sano gacanta ku haysay, waxaana Moscow ay xuduudda gaysay 2,000 oo askari oo nabad ilaaliyeyaal ah, si ay korjoogteeyaan xabad-joojinta.

REUTERS, AFP

XS
SM
MD
LG