Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shaaciyey liiska golaha wasiirada ee xukuumaddiisa oo uu ugu magac daray “Xukuumadda Dan Qaran”.
China ayaa Isniinta maanta ah sheegtay in militarigeeda “aysan iska fadhin doonin ayaga oo aan tallaabo qaadin” haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqato Taiwan.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in dalkiisa “diyaar u yahay inuu Nukliyeer isku difaaco” haddii mustaqbalka isku dhac militari uu dhexmaro ayaga iyo Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.
Shiinaha ayaa maanta ka digay in Washington “ay qaadi doonto cawaaqibka ka dhasha” haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqato Taiwan, xilli ay xiisadda kasii dareyso kahor wada-hadal taleefon oo dhexmari doona hoggaamiyayaasha labada dal.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta muddo dheeri oo 10 maalmood ah ugu daray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre muddada uu kusoo dhisayo xukuumadda cusub.
Qof Sacuudiyaan ah oo la tuhunsan yahay inuu qof aan Muslim aheyn ka caawiyey inuu galo magaalada Makka ayaa la xiray, sida ay maanta sheegeen booliiska boqortooyada.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiista maanta ah laga helay xanuunka COVID-10, waxaa sidaas shaaciyey Aqalka Cade ee looga arrimiyo Mareykanka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho isaga oo kusii jeeda magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaasi oo uu kaga qeyb-gali doono shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa war-mrtiyeed wadajir ah kasoo saaray wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi, halkaasi oo ay booqasho rasmi ah uga billaabatay.
Militariga Iran ayaa maanta kaga digay Mareykanka iyo Israel inay awood ugu hanjabaan Iran, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay inuu awood ciidan u adeegsan doono haddii ay noqoto xalka ugu dambeeya, si uu uga hortago in Iran ay hesho hub nukliyeer ah.
Booliska London Metropolitan ayaa furay baaritaan lagu sameynayo shaac ka qaadista orodyahan Mo Farah ee ah in isaga caruur ah si tahriibin oo sharci-darro ah lagu soo geliyey UK.
Biden oo Bariga Dhexe ku maraya safar dhallin kara xiriir ay yeeshaan Saudi Arabia iyo Israel
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo geba-gebaayey booqasho saddex maalmood qaadatay oo uu ku joogay dalka Eritrea, isaga oo is-afgarad toddoba oodb ah lasoo saxiixday dhiggiisa dalkaas.
Manea al-Yami oo ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka Sacuudiga ayaa lagu dilay dalka Lubnaan, waxaa sidaas sheegay xisbiga mucaaradka Sacuudiga ee Xisbiga Golaha Qaranka (NAAS) iyo ilo-wareedyo amni oo ku sugan Lubanaan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa ku geeriyooday isbitalka maanta oo Jimce ah saacado kadib markii la toogtay isaga oo ku sugan goob uu ka socday olole doorasho, waxaa sidaas weriyey warbaahinta gudaha.
Boris Johnson ayaa maanta iska casilay xilka hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka ee Britain, taasi oo dhabbaha u xaareysa doorashada ra’iisul wasaare cusub kadib markii wasiiro dhowr ah ay iska casileen dowladdiisa ay fadeexadaha hareeyeen.
Boris Johnson ayaa maanta ku dhowaaqi doona inuu iska casilay xilka ra’iisul wasaraaha Britain kadib markii ay ka kala tageen wasiiradiisa iyo xildhibaanada xisbigiisa Conservative-ka, kuwaasi oo sheegay inuusan u qalmin inuu wax sii maamulo.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump waa in isaga oo dhaaranaya ka jawaabaa su’aalaha xeer-ilaaliyaha guud ee New York oo baaritaan ku haysa hab dhaqankiisa ganacsi, waxaa sidaas Khamiistii xukuntay maxkamadda racfaanka New York.
Nin Ciraaqi oo magan-galyo siyaasadeed weydiistay Mareykanka ayaa qorsheeyey inuu dilo madaxweynihii hore George W. Bush, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka Talaadadii.
Kuwo kale