Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegay Kenya


Xasan Sheekh
Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi, halkaasi oo ay booqasho rasmi ah uga billaabatay.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmi doona dhiggiisa KenyaUhuru Kenyatta.

Labada madaxweyne ayaa “yeelan doona wada-hadallo dhinacyada badan taabanaya, ayaga oo xoogga ku saari doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal,” sida ay sheegtay Villa Somalia.

“Madaxweyne Xasan ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, waxeyna adkeyneysaa xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka,” ayey tiri Villa Somalia.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu sidoo kale kulammo kala duwan la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, sida ay sheegtay madaxtooyada.

Socdaalkan ayaa ah kii afaraad ee dibedda ah ee uu u baxo madaxweyne Xasan Sheekh, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May 2022. Waxa uu horey u booqday dalalka Imaaraadka Carabta, Turkey iyo Eritrea.

XS
SM
MD
LG