Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo maanta dooraneysa madaxweyne cusub


Doorashada Kenya
Doorashada Kenya

Shacabka Kenya ayaa maanta safaf dheer ugu jira doorasho aad la isugu hayo, ayada oo laba siyaasi oo miisaan culus ay ku loolamayaan tartan madaxtinimo oo aad la isugu dhow yahay.

Dalka ayaa rajeynaya in xukunka si nabdoon loogu kala wareego kadib ku dhowaad 10 sano oo uu ka talinayey madaxweyne Uhuru Kenyatta, hase yeeshee waxaa jira walaac ku saabsan in doorashado lagu shubto kadib markii dhiig uu ku daatay murannada doorashooyinkii hore.

In ka badan 22 milyan oo qof, oo qiyaastii boqlkiiba 40 ka mid ah ay ka yar yihiin da’da 35, ayaa isu diiwaan geliyey inay codeeyaan, ayada oo dalkuna uu wajahayo sicir-barar xooggan iyo abaaro.

Madaxweyne ku-xigeenka iminka William Ruto, oo 55 jir ah, ayaa la loolamaya Raila Odinga oo ah 77 jir muddo soo ahaa mucaarad, iminkana haysta taageerada ninka ay muddada xifaaltami jireen ee Kenyatta kadib isbeddel weyn oo ku yimid isbhayesiyada siyaasadeed ee dalkaas.

Kadib olole aad u kululaa, codeynta ayaa inteeda badan aheyd mid nabdoon.

Hase yeeshee dhacdooyin qaar ayaa dib u dhigay in la furo goobaha cod bixinta, waxaana lagu soo warramay cilado ku yimid qalabka diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha qaarkood.

Ruto ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee codeeyey isaga oo codka ka dhiibtay gobolka uu ku xooggan yahay ee Rift Valley.

Odinga, oo loo yaqaan “baba” oo markii shanaad u tartamaya madaxtinimada, ayaa goor dambe codkiisa ka dhiibtay xaafadda Kibera ee Nairobi.

Dadka siyaasadda taxliiliya ayaa soo jeedinaya inay u badan tahay in Odinga oo mar soo ahaa maxbuus siyaasadeed iyo ra’iisul wasaare uu ka adkaan doono Ruto.

Haddii midkoodna uusan helin wax ka badan 50 boqolkiiba codadka, waxaa markii ugu horreysay taariikhda ay Kenya qaban doontaa doorasho ku celis oo kala reebto ah.

AFP

XS
SM
MD
LG