Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliye Boolis Oo Lagu Dilay Berbera


Taliyihii ciidamada birmadka Booliiska ee gobolka Saaxil, Aadan Guuleed Daahir oo loo yaqaannay Tallaabo, ayaa maanta lagu dilay magaalada Berbera.

Taliyihii ciidamada birmadka Booliiska ee gobolka Saaxil, Aadan Guuleed Daahir oo loo yaqaannay Tallaabo, ayaa maanta lagu dilay magaalada Berbera.

Sida uu VOA u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Saaxil, Fahmi Cabdi Bidaar, taliyaha dhintay ayaa waxa dilay askari ka mid ah ciidamadiisa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in askariga dilka geystay uu diiday amar uu siiyey taliyaha la dilay, kadibna uu rasaas ku furay, halkaasna uu ku naf waayey taliye Aadan Guuleed Daahir oo loo yaqaannay Tallaabo.

Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in askariga dilka geystay ay gacanta ku hayaan ciidamada maamulka gobolka, oo xabsi uu ku jiro, lana marin dooni sharciga.

Dilka taliyaha kadib ayaa waxaa magaalada Berbera ka dhacay banaanbax ay sameeyeen dadweyne ka carrooday dilka taliye Aadan Guuleed Daahir, kuwaasi oo ay kala ceyriyeen ciidamada booliiska.

Waxaa sidoo kale la xiray qaar ka mid ah dadweynihii dibaxa dhigayey, sida uu kusoo warramay Weriyaha VOA ee Hargeysa Barkhad Maxamuud Kaariye.

XS
SM
MD
LG