Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallanqeyn: Dooddii Jamhuuriga & Yabarow


Maxamed Colaad Xasan oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa dooddaas ka wareystey Madaxa Laanta Af-Soomaaliga ee VOA Cabdiraxman Yabarow.

Sagaal musharax oo doonaya inay noqdaan qofka xisbiga Jamhuuriga u matalaya doorashada madaxweynaha Mareykanka ee 2016-ka ayaa dood kulul oo diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka qaranka ay xalay dhex martay.

Doodda ayaa diiradda lagu saaray baaqii Donald Trump ee ahaa in muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan dalka Mareykanka.

Dooddaas oo xaley lagu qabtey magaalada Las Vegas, waxa ay aheyd dooddii 5-aad, uguna dambeysey ee dhex marta musharaxiinta Jamhuuriga.

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa daawadey doodaasi oo siyaabo kale duwan u arkey waxayaabihii musharaxiintu ay xaley ka doodeen.

Haddaba, Maxamed Colaad Xasan oo ka tirsan Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa dooddaas ka wareystey Madaxa Laanta Af-Soomaaliga ee VOA Cabdiraxman Yabarow oo ka mid ah dadweynihii xaley dooddaas u soo jeedey daawashadeed, sidaan ayuuna u dhacey wareysigaasi.

Faaqidaadda Doodii Jamhuuriga
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:24 0:00

XS
SM
MD
LG