Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida Jarmalka Oo Dibadbax Dhigay


Soomaali Jarmalka ku mudaharaaday
Soomaali Jarmalka ku mudaharaaday

Dibadbaxa ayaa ka dhacay magaalada Erfurt ee Gobolka Thuringen oo 250 Soomaali ah ay ku nool yihiin.

Boqolaal Soomaali ah ayaa maanta isugu soo baxay Magaalada Erfurt ee Gobolka Thuringen ee bartamaha dalka Jarmalka, ayaga oo ka cabanaya sharci la’aan halkaas ku haysata.

Magaalada Erfurt waxaa ku nool qaxooti Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay 250 qof oo u badan kuwo muddo dhow soo galay halkaas.

Xiis Cabdisalaam Cilmi oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay dibad baxii maanta dhacay, ayaa VOA u sheegay in kaliya 3 qof oo ka mid ah 250-ka qof ee Soomaalida Erfurt ay haystaan sharci.

Soomaali Jarmalka ku Mudaharaaday
Soomaali Jarmalka ku Mudaharaaday

Soomaalida banaanbaxa sameeyey maanta ayaa sheegay inay sharci la’aanta ka qaadeen dhibaaootyin ay ka mid yihiin inaysan heli karin waxbarasho.

Waxa ay banaanbixii maanta ka hordhigeen waaxda sharciyada ee gobolka Thuringen ee dalkaasi.

Dibad baxii maanta ay sameeyeen Soomaalida ayaa waxaa kadib loo sheegay in la dedejin doono eegista codsiyadooda sharci, loona ogolaan doono inay helaan sharciyo degenaasho.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbixintan kasoo diray London.

Soomaali banaanbax dhigay
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:51 0:00

XS
SM
MD
LG