Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda xubnaha ka ah Madasha qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa mar kale maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhaba oo maalintii labaad uu shirka madasha ka socda.
Waxyaabaha maanta shirka diiradda lagu saaray ayaa waxaa ka mid ah hannaanka doorashada 2016, guddiyada doorashada, maalgelinta iyo saadka doorashada, qoondada 30% ee haweenka ay ka helayaan goleyaasha qaranka, amniga iyo arrimo kale.
“Doorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqaadiga ah. Sidaa darteed waxa alagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. Waxaa dhammaanteen naga go’an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu talagaley’’, ayuu yiri Madaxweynaha oo maanta ka hadlay shirka.
Wakiilka QM ee Soomaaliya Michael Keating, oo shirkii maanta isna ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan horumarka ay sameeyeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda, isagoo ku dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada shacabka Soomaaliyeed ee ah in doorashooyin ay dalka ka dhacaan.
Kulankaasi kadib ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, madaxda madasha iyo wakiillada beesha caalamka waxay kulan la yeesheen guddiga u qaabilsan qoondada haweenka ee matalaadda goleyaasha qaranka oo ay iska soo qaadeen xaqiijinta kuraasta ay haweenka helayaan doorashada dhaceysa sannadkan 2016-ka.