Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Codbixinta Aftida Britain ee Midowga Yurub oo Billaabatay


Ra'iisul wasaare Cameroon iyo xaaskiisa Samantha oo ka codeeyey London

Dalka Britain ayaa waxaa maanta ka billowday codbixin taariikhi ah, taasi oo dhammaadka maanta go’aan ka gaari doonta in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub iyo in kale.

Ayada oo codbixiyayaasha ay u dareereen goobaha codbixinta ayaa codadka ra’yiga ah waxa ay muujinayaan in go’aanka uu dhinac kasta u dhici doono oo aan la saadaalin karin.

Soo bixitaanka dadka codeynaya ayaa la filayaa inuu noqoto mid aad u sareeya, taasi oo soo geba gebeyn doonto laba bil oo olole xooggan ah, oo inta badan diiradda lagu saaray arrimaha socdaalka.

Ra’iisul wasaare David Cameroon ayaa hoggaaminaya baaqyada ku saabsan in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub.

Baaqiisii ugu dambeeyey oo uu maanta u jeediyey dad codbixiyayaal ah, ayaa waxa uu ku yiri “Waxaan nahay kuwa xooggan, kuwa wanaagsan haddii aan kasii mid ahaano Midowga Yurub”.

Cameroon iyo dadka kale ee kasoo horjeeda Brexit (Ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub) ayaa ku doodaya in dhaqaalah Britain uu dhaawac xooggan gaari doono haddii ay ka baxdo Ururka Midowga Yurub ee ka kooban 28-ka dal.

XS
SM
MD
LG