Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafti ka Socda IGAD iyo Ethiopia oo tagay Beledweyne


Maxamed Cabdi Affey
Maxamed Cabdi Affey

Wafdi ka socda urur gobaleedka IGAD oo uu ka mid yahay ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa maanta gaaray magaalada Baledweyn.

Madaxda ka socotay urur gobaleedka IGAD waxaa socdaalkooda ku wehliyay mas’uuliyiin Ethiopian ah .

Waftigam ayaa kulan saacado qaatay waxey Baledweyne kula yeesheen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyagoona kala hadlay arimaha dhismaha maamul ay yeeshaan goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Danjire Afey oo warfidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in kulanka ay Ugaas Xasan la yeesheen ay uga wada hadleen maamul goboleedyada dhismaya in gobalka Hiiraan iyo inta soo hartay aysan ka harin.

Ugaas Xasan ayaa dhankiisa sheegay in wax badan la isku afgartay inta dhimanna laga ballamay in sida ugu dhaqsiyaha badan xal looga gaaro.

XS
SM
MD
LG