Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh. Aadan Madoobe oo ka hadlay doorashada madaxweynaha, xildhibaanada Gedo iyo qodobo kale


xil wareejinta guddoomiyaha Golaha Shacabka
xil wareejinta guddoomiyaha Golaha Shacabka

MUQDISHU - Sheek Aadan Maxamed Nuur (Sh. Adan Madoobe) ayay xubnaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ay mar kale u doorteen inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka 28-kii April ee sanadkan, waxaana uu xilkaasi si rasmi ah ula wareegay Sabtidii shalay.

Haddaba wareysi gaar ah oo uu Sh. Aden Madoobe siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu uga hadlay waxa ay uga dhigan tahay in xilka guddoonka baarlamaanka mar kale loo doorto, howlaha ugu waaweyn ee horyaala ee mudnaanta u leh, doorashada madaxweynaha Soomaaliya, wax laga yeelayo xildhibaanada 32-ka ah ee ka socda gobolka Gedo, iyo arrimo kale.

Caasho Ibrahim Aden oo kula xiriirtay khadka taleefanka ayaa ugu horreyn weydiisay waxa ay uga dhigan tahay in mar kale loo doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Waraysiga Afhayeenka Baarlamaanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:07 0:00

XS
SM
MD
LG