Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Shacabka oo yeelanaya kulankiisii ugu horreeyay kadib doorashadii guddoonka Golaha


Afhayeenka Golaha Shacanka, Sheekh Aadan Madoobe
Afhayeenka Golaha Shacanka, Sheekh Aadan Madoobe

Kulankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya kaddib doorashada guddoonka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo xarunta Villa Hargeisa ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay farriin qoraal ah oo lagu faafiyay barta rasmiga ah ee Facebookga Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa lagu wadaa inuu kulankan shir guddoomiye, iyada oo ajandaha shirkan ay ka mid tahay xil wareejinta guddoomiyihii Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal.

Waxaa sidoo kale ajandaha ka mid ah haal-jeediinta guddoomihii ku-meel-gaarka ahaa ee Golaha Shacabka Ambassador Dhabancad.

Wixi war ah ee kusoo kordha kulamada Golaha Shacabka halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG