Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhiimadda Safiirka Mareykanka ee Somalia


Safiirka Maraykanka ee Somalia oo Washington lagu Dhaarinayo
Safiirka Maraykanka ee Somalia oo Washington lagu Dhaarinayo

Laba ka mid ah xubnaha Congress-ka Maryakanka ayaa soo dhoweeyey safirika cusub ee dawladda Maraykanka ay u dirayso Soomaaliya Stephen Schwartz oo tododbaadkan lagu dhaariyey magaalada Washington.

Mudanayaasha Congress-ka ee kala ah Keith Ellison (D-MN) iyo Rep. Tom Emmer (R-MN) oo labadaba laga soo doorto Minnesota ayaa sheegay in tallaabadan tahay mid taariikhi ah.

Waxay sheegeen in magacaabistiisi ay astaan u tahay tallaabada xigta ee ah in Soomaaliya ay degenaansho kusoo laabanayso.

Keith Ellison (D-MN) iyo Rep. Tom Emmer (R-MN) waxay sheegeen inay ka dhursagayaan inay kala shaqeeyaan safiirka arrimaha Soomaalida khuseeya ee ay ka mid yihiin – dejinta waddankooda, dawlad dimoqraadi ah, ilaalinta xawaaladaha iyo wax ka qabashada abaarta ee Geeska Afrika.

Haddaba muhiimadda magacaabista safiirka waxaa warbixintan nooga diyaariyey Haaruun Macruuf.

Muhiimadda Safiirka Mareykanka ee Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:48 0:00

XS
SM
MD
LG