Isku xirrada

War Deg-Deg ah

24 Qof oo ku Dhintay Dagaalo ka Dhacay Galgaduud


Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo xalay iyo saakay aroortii ay ka dhaceen deegaanka Ceel Hareeri oo ku dhow degmada Ceel Dheer.

Dagaalladan oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa waxaa inta la ogyahay ku dhintay 24 qof, ku dhawaad toban kalena way ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa ka dhashay markii maleeshiyada Al-Shabaab oo la sheegay inay boqolaal ahaayeen ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku sugnaayeen.

Wariyeheenna Gobolada Dhexe Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa warbixitan ka soo diray magaalada Gaalkacyo.

Dagaallo ka dhacay gobolka Galgaduud
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:22 0:00

XS
SM
MD
LG