Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garoonka Diyaaradaha Ataturk oo Dib Loo Furay


Istambul Ataturk Airport
Istambul Ataturk Airport

Garoonka diyaaradaha Ataturk ee magaalada Istanbul ayaa si buuxda dib loogu furay arbacada maanta ah, kadib weeraro ismiidaamin ah oo fiidnimadii talaadada lagu dilay 41 qof islamarkaana lagu dhaawacay in ka badan 200.

“Garoonkeena waxaa dib loogu furay duulimaadyda baxaya iyo kuwa imanaya saacadu markay ahayd 2:20 AM xilliga Istanbul” Waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim.

Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa sheegtay inay dib u billowday dhammaan duulimaadyadeedii, islamarkaana xukuumadda Washington ayaa qaaday hakad ay gelisay duulimaadyada isaga kala goosha Mareykanka iyo garoonka diyaaradaha Ataturk.

Si kastaba xukuumadda Iran ayaa arbacada maanta ah hakisay dhamaman duulimaadyadii aadi lahaa Istanbul.

Qaraxyadii xalay ayaa lala beegsaday terminal-ka caalamiga ah, gaar ahaan meesha dadka baxaya ay yimaadaan oo ay babauurta ku dejiyaan.

Weerarada ayaa la rumeysan yahay inay fuliyeen saddex qof oo ismiidaamiyey.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, inkasta oo la tuhmayo kooxda Daacish.

XS
SM
MD
LG