MUQDISHO —
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sanadood soo bandhigtay qorshihii ugu horeeyay ee horumarinta qaranka.
Qorshahan ayaa daba socday kadib markii dowladdu ay hirgelisay qorshihii Hiigsiga ee Soomaaliya oo soo socday muddo sadex sanadood ah.
Wariyeheenna Caasha Ibrahim Aaden ayaa arintan ka wareystay Cabdiraxman Sheekh Yuusuf Ceynte oo ah Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya oo wasaaradiisu ay soo bandhigtay qabya qoraalka qorshahan.